Saxiixa Cusub Barca, Arthur Muxuu Ka Yiri Hadii Iniesta Bixi Karo, Meesha Uu Aadayo & Inuu La Tartami Karo

Arthur, waa ciyaaryahan ay Barcelona ay si toos ah ula soo wareegeyso bisha Janaayo ee xili ciyaareedkan, isagoona hada lagala heshiisay kooxdiisa Gremio, iibintiisa.

Ciyaaryahankaan ayaa waxay Barca ku heli doontaa suuqa Janaayo aduun lacageed dhan 30 Milyan, inkastoo ay haysato Bluagrana dookh ay ku kordhin karto lacagtaas.

Laacibkaan oo wareysi dheer siinayay Majalada O Globo ee kasoo baxa wadankiisa Brazil, ayaa wuxuu qirtay inaanu ahayn mid lala barbar dhigo isaga ahaan laacibka Andres Iniesta.

Iniesta oo si weyn hada loo hadal hayo inuu ka tagayo Barca ayuu Arthur ka hadlay, isagoona cod dheer ku sheegay in hadii uu Iniesta baxayo uu Shiinaha uu aadi karo.

“Waan akhriyay wararkaas, laga yaabee inuu aado Shiinaha, laakiin waxaan jeclaan lahaa inaan la dheelo isaga ma garan karo waxa dhici kara mustaqbalka,” ayuu yiri.

“Ka ciyaaryahan ahaan, wuxuu ka dhigayaa kubada cagta mid fudeed ah – Ma doonayo inaan iskula barbardhigo isaga, laakiin wuxuu leeyahay qaab ciyaareed gooni ah, anna waxaan leeyahay mid kuwa kale,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Arthur.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com