Sedex Tababare Oo U Sharaxan In Ay Shaqada Tababaranimo Ee Bayern Munich Ka Badalaan Niko Kovač

Macallinka kooxda Bayern Munich ee Niko Kovac ayaa shaki weyn la gelinayaa mustaqbalkiisa maamul, maadaama uu u muuqdo mid aan kasoo bixi karin waajibaadkiisa

Kovac oo horraantii xilli cayaareedkan majaraha u qabtay kooxda ku cayaarta Allianz Arnena ayaa ku billawday qaab cayaareed aad u liita iyadoo ay isku dhaceen qaar ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan kooxda

Image result for Niko Kovac

Durba Bavarians waxa ay qorshaha ku darsadeen in cayaaryahankii hore ee Croatia isla markaasna kooxdan horay ugu soo cayaaray ay ka beddelaan shaqada tababarennimo

Saddex musharrax oo kasoo wada jeeda dalka France ayaa liiska tababarayaasha lagu beddelayo macallinkii hore ee Eintract Frankfurt kasoo muuqday, waxaana ay kala yihiin macallinkii hore ee Arsenal, Arsene Wenger, Zinedine Zidane oo Real Madrid iska casilay dhowr bilood ka hor, iyo maamulihii hore ee PSG, Laurent Blanc

Image result for zidane

Saddexda macallin ayaa hadda shaqo la’aan ah, inkastoo Macallin Zidane lala xiriirinayo shaqada kooxda Manchester United, maadaama uu mugdi ku jiro kursiga Jose Mourinho oo Red Devils xaalada cakiran ku qaadanaya

Wenger iyo Blanc ayaa shaqada Bayern diyaar u noqon karaan maadaama aysan hadda shaqo macallinnimo heynin

Hooggaamiyihii hore ee Gunners ayaa wuqooyiga London ka dhaqaaqay dhammaadkii xilli cayaareedkii hore ka dib 22 sano oo Arsenal Macallin u ahaa

Image result for Arsene Wenger   Laurent Blanc

Halka Difaacii hore ee Manchester United, Laurent Blanc uu iskaga tagay shaqada tababarennimo ee kooxda Paris Saint-Germain sanadkii 2016

Image result for Arsene Wenger   Laurent Blanc

Bayern Munich maamulkeeda ayaa go’aanka kama dambeysta ah iska leh, waxaase hadda Zidane, Wenger iyo Blanc ay yihiin musharraxiinta ay liiska ku darsatay kooxda ka cayaarta Bundesliga si ay beddel kaga dhigto Niko Kovac