Sergio Aguero ayaa bar-bareeyay halyeeyga Alan Shearar isaga oo noqday xiddiga saddexleyda …

Waxaan ku eegeynaa saddexleeydii uu Sergio Aguero ka dhaliyay kooxda Chelsea Sergio Aguero ayaa noqday xiddig  ugu saddexleeyda badan taariikhda horyaalka Premier League, waxaana uu barbareeyey Alan Shearer oo 11 hat-trick ka dhaliyey horyaalka Premier Leagu

Sergio Aguero ayaa noqday ciyaaryahankii shanaad ee saddexleey dhaliya kulamo isku xiga oo garoonka naadigiisa ah horyaalka Premier League iyo markii ugu horreeyey ee sidaas sameeyay  Didier Drogba bishii August sanadkii 2010-kii.

Sergio Aguero ayaa sagaal saddexleey oo horyaalka Premier League ah ku dhaliyey garoonka Etihad, waxa uuna noqday ciyaaryahanka ugu badan ee hal garoon saddexleey ku dhaliya, isagoo rikoorkaas ka jabiyey Thierry Henry oo garoonka Highbury ku dhaliyey siddeed hat-trick.

Sergio Aguero ayaa horyaalka Premier League ka goolal badan kooxda Chelsea 2019, intii lagu guda jiray sanadkan kooxda Blues waxa ay horyaalka England  ka dhalisay 7 gool, halka Aguero uu ka dhaliyey 8 gool.