Sergio Basquets Oo Sharaxay Faqriga U Dhaxeeya Haatan Iyo Markii Uu Barca Kusoo Biirayey

Sergio Basquets oo kamid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan oo ay haysato Barcelona ayaa ka sheekeeyay sidii u ahaa kahor inta uusan camaaliqadda horyaalka dalka Spain uusan imaan.
Wiilkaan reer Spain oo kasoo qalin jabiyey Akadeemiyadda Bluagrana ayaa wuxuu sheegayaa in farqiga kaliya ee haatan uu hayo ay tahay inuu helay waayo aragnimo ka badan intii uu horey uhaystay.
“Waxaan aaminsanahay inaan noqdo in ka badan sidii hore ciyaaryahan dhameystiran haatan,” ayuu yiri Sergio Basquets.
“Waxaan ciyaaray kulamo badan, waxaana ku guuleystay koobab fara badan,” ayuu hadalkiisa kusii daray laacibkaan.
“Maanta, waxaan ahay mid dabiici ah, waxaana haystaan waayo aragnimo badan,” ayuu Basquets daba dhigay oraahdiisa.
“Mar kasta waxaad dooneysaa inaan ahaato oo aan ku sugnaato kooxdaada koowaad,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Sergio Basquets, oo khadka dhexe uga dheela Barcelona.