Sergio Ramos oo arin la yaab leh sameeyay intii ay socotay kulankii kooxda Eibar

Kooxda Real Madrid ayadoo safar ahayd waxay 2-1 guusha kaga soo qaateen naadiga Eibar kulan ka tirsanaa La Liga waxaana guusha siiyay Ronaldo oo labo jeer shabaqa soo taabtay

Hadaba kabtanka Real Madrid Sergio Ramos ayaa garoonka isaga baxay kadibna dib ugu soo laabtay asigoon wax dhaawac ah qabin

Markii ay cayaarta dhamaatay macalin Zidane ayaa saxaafada u xaqiijiyay in Ramos ay kaadi qabatay garoonka ku jiri waayay

Macalin Zidane wuxuu yiri “Sergio Ramos kaadi ayaa qabatay sidaas ayuu garoonka kaga baxay wuxuuna xaajadiisa kusoo gutay daqiiqad gudaheeda wuuna soo laabtay”

Image result for ramos and eibar

Ramos ayaa daqiiqadii 73-aad garoonka isaga baxay kadibna soo kaadiyay diba usoo laabtay hal daqiiqo kadib asigoo kasoo gaaray kooxdiisa oo aan wax halis ah la kulmin intii uu kaadida ku maqnaa

Real Madrid waxay weli ku jiraan kaalinta 3-aad La Ligaha Spain ayagoo 12-dhibcood ka hooseeyaan kooxda Barcelona oo horyaalka hogaamineyso

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com