Sevilla Oo CL Kasoo Ciribtirtay Man Utd Xili Ciyaaryahan Wissam Ben Yedder Uu Ceebeeyay Red Devils

Kooxda kubada cagta Sevilla ayaa waxay guud ahaan tartanka Champions League ay kasoo reebtay Manchester United, kadib markii ay kusoo burbursadeen garoonkooda lagu magacaabbo Old Trafford, ee ku yaala wadanka Ingiriiska.

Kooxda reer Spain ayaa waxay kusoo badisay kulankaan cariga UK ka dhacay 2-1, waxayna ka dhigan in labada lugood wadar ahaan ay 2-1 kusoo badisay, maadaama lugtii koowaad ay kusoo kala baxeen labada dhinac Bareejo 0-0, markaasoo Spain la joogay.

Wissam Ben Yedder, oo ah ciyaaryahan udhashay wadanka Faransiiska uu isbaray Red Devils, kadib markii uu ka dhaliyay labadda gool, xili uu ciyaarta bedal kusoo galay, wuxuuna ahaa Shumacii ifiyay garoonka Old Trafford, islamarkaana aamusiyay Jamaahiirta United.

Dhinaca Manchester United, ayaa waxaa xili aan loo baahneen gool udhaliyay ciyaaryahankeeda lagu magacaabo Lukaku, kaasoo dhaliyay daqiiqadii 84aad, xili kooxdiisa la boobsiiyay daqiiqiiqadii 74aad iyo waliba 78aad.

Manchester United, ayaa waxay haysatay kubada 52% taasoo ka dhigan inay ku fiicneed muuqaal ciyaareedka garoonka, laakiin uusan nasiibku ka saacidin inay usoo baxaan wareega Sideed dhamaadka ee tartanka xamaasadda badan ee Dhaga-weyne.

Kulanka inta uu socday, waxaa la bixiyay illaa iyo Afar Kaar, waxaana intuba la siiyay dhanka Sevilla, waxayna ahaayeen Jaalo, mana jirin ciyaaryahan, kaasoo inta uu kulanka socday la siiyay Kaar Gaduudan labada dhinac ee kulanka uu udhaxeeyay.

Sikastaba, Sevilla, ayaa waxay ku biireysaa liis kooxo ah, kuwaasoo ay ugu waa weyn yihiin Man City yo Real Madrid, islamarkaana ay iska xaadiriyey wareega Sideed dhamaadka koobka Dhaga-weyne, kaasoo meel xiiso leh maraya.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com