Shan Sababood Oo Neymar Ku Riixaysa In Uu Ka Tago PSG Oo La Ogaaday

Neymar waxa uu riixinayaa ka tegidda Paris Saint-Germain si uu ugu biro xagaaga soo socda Real Madrid, waxa uu haystaa sida warar ka soo baxaya Brazil sheegayaan sababo dhawr ah

26 jirka waxa uu noqday laacibkii dunida ugu qaalisanaa kaddib markii ay PSG kaga soo qaadatay Barcelona aduun dhan €222 million

Neymar durba saameyn ayuu ku yeeshay PSG isaga oo 30 kulan oo uu u saftay u dhaliyey 28 gool 16 kalena caawiyey

Sida laga soo xiganayo UOL Esporte, Neymar saaxiibadiis waxa uu u sheegay sababaha uu uga tegayo PSG

sababta ugu horaysa ayaa ah in uu la kulmi tacadi adag oo uu kala kulmo xiddigaha ka soo hor jeeda iyada oo xiddiga reer Brazil ilaa haatan lagu galay 104 khalad 20 kulan oo horyaaalka France ah,Halk uu 4-tii sano ee uu joogay kooxda Barcelona lagu galay kaliya 43 khalad 123 kulan oo horyaalka La Liga ah

Sababta 2-aad ayaa ah Garsoorayaasha iyada oo uu Neymar Arko in garsoorka France ay aad u xun yihiin oo ayna si gaar ah u eegtaan kaararkan u sii yaan isaga oo laba kaar oo cas loo taagay xilli cayaareedkan

Sababta 3-aad ayaa ah qaab cayaareedka horyaalka France kaas oo aad uga fog sidii uu filayay marka loo eego diciifnimada kulamada horyaalka France isaga oo aan tartan adag kala kulmin kooxaha la cayaaraya kooxdiisa kuwaas oo si fudud guulo u gaara

Sababta 4-aad ayaa ah in ay kooxda PSG ku safarto bas marka ay cayaarayso kulamada horyaalka halkii ay kooxda Barcelona ku safri jirtay diyaarad ama tareen

Sababta 5-aad ayaa ah in ayna fiicnayn xaalada garoomada kooxaha ka soo hor jeeda taas oo khatar weyn ku     ah xaalada caafimaad ee xiddiga PSG

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com