Shax Adag Oo Laga Sameeyay Tababarayaasha Haatan Ee Xiddigaha Soo Ahaan Jiray

Waxaa Shax Caadi ahayn laga sameeyay Macalimiinta haatan shaqada haye ee hore u soo ahaan jiray ciyaartoyda iyadoo ay ka soo baxday 11 xiddig oo waqtigoodii wacdarro dhigi lahaa.

Sidoo kale weerarka waxaa hogaaminaya Tababaraha Manchester United Ole Gunnar Solskjaer kaasoo wacdarro u dhigi jiray Red Devils gaar ahaa goolashiisii marka uu bedelka ku soo galo.

Waxaa ka danbeeya seddex halyeey oo aan kala dhicin, ee kala ah tababaraha Real Madrid Zinedine Zidane, tababaraha Chelsea Frank Lampard iyo tababaraha kooxda Montreal Impact Thierry Henry.

Booska burburiyaha qadka waxaa jooga labo nin oo waqtigoodii booskaas wacadarro ka dhigay waa macalinka Man City Pep Guardiola iyo tababaraha kooxda Nice Patrick Viera.

Labada daafac dhexe ee shaxda waxaa ku jira xiddigii hore ee Man United Steve Bruce oo haatan tababare u ah Newcastle iyo tababaraha kooxda Watford Nigel Pearson. Daafacyada garbaha waxaa kala saaran tababaraha Liverpool Jurgen Klopp iyo macalinka kooxda Sampdoria Claudio Ranieri.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com