shax Laga Sameeyay Xiddigaha Serie A-da Ka Ciyaara Ee Ka Tagay Premier League, Waa Shax Wareer Ah

Xiddigaha premier League ayaa sida Shinida ugu sii daadanaya horyaalka Serie A-da ee horyaalka Dalka Italy iyada oo bilihii ugu dambeeyay xiddigo badan oo premier League ah ku biireen horyaalka Serie A-da.

Xiddiga Victor Moses ayaa ah xiddigii ugu dambeeyay ee ku biira horyaalka Serie A-ad isaga oo amaah ugu biiray kadib markii uu ka tagay kooxda Chelsea.

Xiddigaha isaga tagay premier League kuna biiray Serie A-da ayaa inta badan Amaah ugu jooga horyaalkaas marka laga reebo 4 xiddig kuwaas oo si toos ah ugu biiray kooxaha horyaalkaas.

Xiddiga Mario Pašalić ayaa amaah uga maqan chelsea isaga oo u ciyaara kooxda Atalanta Xiddigaha Sanchez, Mkhitaryan, Moses iyo Smalling ayaa dhankooda amaah uga maqan kooxaha Man United, Chelsea iyo Arsenal.

Xiddigaha Ospina, Young, Ramsey, Lukaku, Danilo iyo Darmian ayaa dhankooda si toos ah uga tagay premier League kuna biiray horyaalka Serie A-da

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com