Shaxaha Macquulka Ah-Xaqiiqooyinka Labada Kooxood & Falaqeynta Kulanka Kooxaha Heegan Iyo Dekedda

Kooxaha Heegan Iyo Dekedda ayaa galabta ku ballansan garoonka Banadir CAyaar ka tirsan horyaalka Somali Premier League

Cayaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan waana kullankii 36-aad ee laga dheelayo horyaalkaxili cayaareedkan 2017-18

XAQIIQDA KULLANKA:

Kooxda kubadda cagta Dekedda Kullankii ugu dambeyay waxey guul dahabi ah ka soo gaartay naadiga Madbacada kadib markii ay ugu awoood sheegatay 7-1, cayaar dhacday 5-03-18

Wiilasha Ciidanka Booliska ee Heegan cayaartii ugu dambeysay waxey bar baro goolal la’aan la soo gashay kooxda Horseed Cayaar dhacday 06-03-18

Dekedda ayaa hogaamineysa horyaalka iyado soo cayaartay 7- kulan waxey soo adkaatay 5-kulan sido kale waxey bar baro soo gashay 2-cayaar taas ayaa ka dhigan ineysan wax guul daro ah la kulmeyn kooxdan, waxeyna heesata 17-dhibcood

Kooxda Heegan ayaa fadhisa kaalinta 3-aad eek ala sareynta horyaalka iyado soo cayaartay 7- kulan waxeyna soo adkaatay 3-kulan sido kale waxey bar baro soo gashay 3-kulan halka ay guul daro la kulantay 1-csyaar,waxeyna aruursatay 12-dhibcood

Cabdicasiis Catoosh ayaa markii ugu horeysay ka hor imaan doona kooxdiise hore ee Dekedda isago markan wata fanaanada Heegan sido kale ah Kabtanka kooxdan

Heegan waxaa Roose ka qaba xidigeeda Axmed nuur Xamud Ciiri kaa uu qaatay kullankii ugu dambeyay ay kooxdiisa bar baraha la soo gashay Horseed

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOD:

kooxda Dekedda ayaa kulanka galabta waxaa ka maqnaan doona xidigaha kala ah Idiris Aamiin, C/Naasir Yuusf Hargaand iyo Seega Ruushka kuwaaso dhaawacyo kala duwan ku seegayo

Wiilasha Ciidanka Booliska Ee Heegan Kullanka waxey weyn doona xidigeeda khadka dhexe ee Siidi Maxamed kaa uu ku maqan xalaad caafimaad

SHAXAHA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOD:

DEKEDDA FC :

Goolhaye: Saciid Aweys Cali

DAAFACYADA: Xasan Afgooye, Siid Cali Baana, Bile Bashiir Colaad, Cabdiwali Cabdiraxmaan.

KHADKA DHEXE: CabdiKariin Qubaaye, Cabaas Aamiin, Maxamed Nuur Cabdi.

WEERARKA: Feysal Xasan Xaashi, Raymond, Cabdimajiid

HEEGAN FC

Goolhaye: Mustaf Maxamed Yuusuf

DAAFACYADA: Elias Lubambula, Cali Maxamed, Xasna Cali Rooble, Xasan Siidow

KHADKA DHEXE: Gahtaani, Samson Iyke, Catoosh Ozil

WEERARKA: Niyanzi Ronaldo, Cabdirisaaq, C/raxmaan Muudey

IS ARAGA LABADA KOOXOD:

16/02/2017 Dekedda SC 1:1  Heegan S.C
28/12/2016 Dekedda SC 1:0  Heegan SC
03/03/2016 Heegan SC   3:0  Dekedda SC
27/02/2015 Dekedda SC 0:2  Heegan SC
29/05/2015 Heegan SC   2:0  Dekedda SC
24/02/2014 Heegan SC   1:2  Dekedda SC
14/11/2013 Dekedda SC 1:2  Heegan SC

OGEYSIIS KULLANKA:

Tartanka: Somali Premier League 2017-18
Kooxaha: Heegan Vs Dekedda
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:30 pm

W/D: Cabdifitaax Nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com