Shaxaha Ugu Wanaagsan Shanta Horyaal Ee Qaarada Yurub Oo La Soo Saaray

Horyaalada yurub ee kala duwan ayaa dhamaaday waxana la gaaray wakhtigii la qiimayn lahaa shaxda ugu fiican horyaalada ugu waaweyn yurub ee 5-ta a

Wargayska Marca ayaa soo saaray Shaxda ugu fiican ee horyaal kasta horyaalada ugu waaweyn ee yurub

LaLiga:

Wargayska Marca ayaa soo xushay 11-ka xiddig ee ugu fiican ee horyaalka La Liga kuwaas oo qaab cayaareed fiican oo cajiib ah

Waxa si lama filaan ah shaxda uga soo muuqday xiddigaha Djene & Kondogbia halka uu sidoo kale xiddiga khadka dhexe Coutinho ka soo muuqday shaxda 

Saddexda xiddig ee weerarka ayaa ah qaar baqdin leh kuwaas oo kala ah Ronaldo,Suarex iyo Messi kuwaas oo soo bandhigay qaab heer sare ah

Premier League:

Shaxda ugu fiican ee horyaalka premier League ee ay doortaa PFA ayay xiddigaha ugu badan ku leeyihiin kooxda Man city oo ku guulaystay horyaalka

Goolhaye David De Gea ayaa ku jira halka sidoo kale ka soo muuqdeen xiddigo qaab cayaareed fiican soo bandhigay xilli cayaareedkan

Aguero,Kane iyo Salah ayaa hogaaminaya weerarka kuwaas oo dhexdooda dhaliyay 83 gool horyaalka premier Laegaye

Serie A:

OPTA ayaa ku dhawaaqday shaxda ugu fiicn horyaalka Serie A iyaga oo ku qiimeeyay xiddigaha qaab cayaareedka fiican soo bandhigay horyaalka

Goolka ayaa laga waayay Buffon, Alisson iyo Handanovic kuwaas oo qaab cayaareedka fiican soo banhigay iyada oo uu goolka ku soo baxay Perin

Xiddigo badan oo aan magac lahayn oo kala ah Masiello, D’Ambrosio & Politano ayaa ka soo muuqday shaxda iyaga oo uga mahad celinaya qaab cayaareedkooda fiican

Immbobile oo 29 gool dhaliyay ayaa si fudud uga soo muuqday weerarka shaxda isaga oo laba xiddig ku wehelinaya

Bundesliga:

Kooxda Bayern Munich ayaa xiddigaha ugu badan ka soo muuqday shaxda ay soo saartay Kicker iyada oo ay sabab u tahay ku guulaysiga horyaalka

Hoffenheim ayaan dab yar shidayn iyaga u leh 3 xiddig ohalka laba kooxood oo kale ku leh xiddigaha ugu yar.

Ligue 1:

UNFP ayaa soo saartay shaxda ugu fiican horyaalka Ligue 1 waxana xiddigaha ugu badan ku leh kooxda PSG kuwaas oo ku leh 7 xddig

Halka kooxda Lyon ay ku leedahay laba xiddig iyo Kooxda Marsielle oo ku leh 2 xiddig oo kale