Shaxaha Xiddigihii Abid Ugu Fiicnaa Qaaradaha Yurub Iyo Latin Ameerika -Yaa Badin Lahaa?

Joornaaliistaha caankaa h ee Julio Maldini Maldonado ayaa soo xulay shaxaha xiddigihii abid ugu fiicnaa qaaradaha Yurub iyo Latin Ameerika isagoo dood ka dhex dhaliyay taageerayaasha kubada cagta.

Wuxuu soo dhigay labo kooxood oo ay ka buuxaan halyeeyo wacdarro ka soo dhigay taariikhda kubada cagta ee dunida
Joornaaliistaha waxa uu labada dhinac u soo xulay xiddigo caan ah oo magac weyn leh.

Shaxda Yurub oo ay ka maqan yihiin Zidane, Xavi ama Iniesta
Koox xoogan ayuu Maldini u soo xulay qaarada Yurub oo kala ah: Iker Casillas; Lilian Thuram, Franz Beckenbauer, Sergio Ramos, Paolo Maldini; Eusebio, Bobby Charlton, George Best, Johan Cruyff; Marco Van Basten iyo Cristiano Ronaldo.

Shaxda Latin Ameerika waxaa ka buuxa xiddigo tayo leh
Koox ay ka buuxaan xiddigo tayo leh ayuu u soo xulay qaarada Koonfur Ameerika oo kala ah: Ladislao Mazurkiewicz; Cafu, Elias Figueroa, Daniel Passarella, Roberto Carlos; Alfredo Di Stefano, Pele, Diego Maradona, Ronaldinho; Lionel Messi iyo Ronaldo Nazario.

Hadaba haddii ay labadaan kooxood kubad isaga horimaan lahaayeen, yaad u maleyneysaa inay guusha raaci laheyd – Yurub mise Latin Ameerika.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com