Shaxda Rasmiga Ah Ee AC Milan vs Arsenal Oo Lagu Dhawaaqay – Yaa Kusoo Bilowday Garoonka

Macalimiinta kooxaha kala ah: AC Milan iyo Arsenal, ayaa waxay ku dhawaaqeen liiska min 11-ka ciyaaryahan oo ay garoonka lasoo geli doonan, kulan ciyaareedkooda ka tirsan tartanka labaad ee Yurub ugu xiisaha badan, kaasoo Europa League lagu magacaabo.

Ciyaartaan oo ka dhici doonta garoonka San Siro, ee ku yaala Magaalada Milano ee wadanka Talyaaniga ayaa wuxuu yahay lugta hore ee wareega 16-ka Europa League, iyadoona Natiijada kasoo baxda aan kala socon doonto Laacib.so

Tababarayaasha labadda dhinac ayaa waxay umuuqdaan kuwa doonaya inay helaan labinta, maxaa yeelay waxay lasoo shir tageen saf ciyaareed adag oo xoog badan, waxaana iska cad inuu dhex-mari doono dagaal culus oo garoonka dhexdiisa ah

HOOS KA ARAG SHAXDA LABADA KOOX:

AC MILAN : Donnarumma, Calabria, Bonucci, Romagnoli, Rodriguez, Biglia, Bonaventura, Kessie, Calhanoglu, Suso, Cutrone.

KEYDKA: Kalinic, Silva, Borini, Zapata, Montolivo, Locatelli, Donnarumma.

ARSENAL : Ospina, Chambers, Koscielny, Mustafi, Kolasinac, Xhaka, Ramsey, Wilshere, Ozil, Mkhitaryan, Welbeck.

KEYDKA: Cech, Holding, Maitland-Niles, Elneny, Iwobi, Nelson, Nketiah.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com