Shaxda Rasmiga Ah Ee Arsenal vs Stoke: Yaa Kusoo Bilowday?

Macalimiinta kooxaha kala ah: Arsenal iyo Stoke City ayaa waxay soo saareen liiska min 11-ka ciyaaryahan ee garoonka usoo geli doonta kulan ciyaareedkooda ka tirsan horyaalka Premier League, ee wadanka Ingiriiska.

Ciyaartaan oo guriga Gunners-ka lagu dheeli doono, kaasoo lagu magacaabo Emirates Stadium, ayaa hadii uu ALLE raali ka noqdo waxaad kala socon doontaa natiijada kasoo baxda halkaan oo ah Laacib.so.

Labada macalin ayaa waxay shaxdooda ay ku sameeyeen isbedalo kala duwan waxayna umuuqdaan kuwa diyaar u ahay inay kala qaataan saddex dhibcood, iyadoona Arsena Wenger ii si weyn ugu baahan yahay inuu guuleysyo.

Sikastaba, Stoke ayaa waxay hada ay fadhisaa booska 19aad ee shaxda kala horeynta ee Premier League, waxayna umuuqataa mid dooneyso inay madaxa ay sare usoo qaado, halka Arsenal ay jiifto kaalinta Todobaad ee kala horeynta EPL-ka.

HOOS KA ARAG SHAXDA LABADDA KOOX:

STOKE CITY: Butland, Bauer, Martins Indi, Shawcross, Johnson, Pieters, Allen, Ndiaye, Diouf, Shaqiri, Sobhi

KEYDKA: Haugaard, Ireland, Berahino, Cameron, Crouch, Campbell, Sorenson

ARSENAL: Ospina, Bellerin, Mustafi, Chambers, Monreal, Ramsey, Elneny, Wilshere, Ozil, Aubameyang, Welbeck

KEYDKA: Macey, Koscielny, Mkhitaryan, Lacazette, Iwobi, Xhaka, Kolasinac

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com