Shaxda rasmiga ah ee xulka qaranka Soomaaliya uu ku soo geli doono kulanka galabta ee Zimbabwe

Shaxda rasmiga ah ee xulka qaranka Soomaaliya uu ku soo geli doono kulanka galabta ee Zimbabwe oo la shaaciyey.

Macallin reer Ghana ee Bashir Hyford ayaa ku dhawaaqay shaxda rasmiga ah oo ay xulkeenna Soomaaliya galabta ku soo geli karaan garoonka kulanka ay la leeyihiin Zimbabwe.

Kulankan oo ah lugta labaad ee isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2022 ayay wiilasheennu haystaan fursad wanaagsan kaddib markii ay lugtii hore ee ka dhacday dalka Jabuuti ay ku soo adkaadeen 1-0.

Ocean Stars ayaa galabta u gudbi doona heerka guruubyada tartanka koobka Adduunka haddii ay barbaro galaan ama ay ka badiyaan Zimbabwe kulanka ka dhacaya magaalada Harare ee caasimadda dalkaasi.

Kulanka ayaa baasi doona 4:00 galabnnimo xilliga geeska Afrika, waxaana laga daawan karaa barta youtube-ka ee FIFA.

SHAXDA XULKA: SOOMAALIYA UU KU SOO GELI DOONO OO DHAMMAYSTIRAN HALKAAN HOOSE KA EEG:-

Goolhaye: Said Aweys Ali

Daafacyada: Mohamoud Ali Mohamed , Yonis Abdirizak Farah, Ahmed Said Ahmed iyo Abel Gigli Mohamed.

Khadka dhexe: Ahmed Ali Mohamed, Abdelaziz Safimayo Yousef, Abdulsamed Ahmed Abdullahi

Weerarka: Anwar Sidali Shakunda, Omar Abdullahi Mohamed iyo Hussein Abdikarin Mohamed.

W/Q:Cabdifitaax Nani