Shaxda Ugu Fiican Ee Xiddigaha 30 Jirka oo ay Hogaaminayan Messi & Ronaldo

Wargayska AS ayaa soo xushay shaxda xiddigaha da,doodu tahay 30 jirka iyo wax ka weyn ee haatan ka ciyaara horyaalada ugu waaweyn qaarada yurub.

Wargayska ayaa soo doortay 11-ka xiddig ee jira da,da 30 iyo wax wax ka weyn ee ka ciyaara 5-ta horyaal ee ugu waaweyn wakhti xaadirkan.

Kooxda Barcelona ayaa ku leh shaxda 4 xiddig halka horyaalka premier League ku leeyhahay 4 xiddig xilli Tottenham ku leedahay 2 xiddig sidoo kale kooxda Borussia Dortmund ayaa shaxda ku leh 2 xiddig.

Kooxaha chelsea, Arsenal iyo Jventus ayaa sidoo kale shaxda ku leh min hal xiddig.

Waxa shaxda hogaaminaya xiddigaha Aubameyang, Ronaldo & Messi kuwaas oo ku jira da,dooda 30-ka Kana mid ah xiddigaha da,daas ku jira ee ugu fiican wakhti xaadirkan.