Shaxda ugu wanaagsan shanta horyaal ee qaarada yurub xilli cayaaraydkaan– Yaa kaga jira kooxdaada 11-ka ugu wanaagsan ?

Horyaalada waaweyn ee yurub ayay qaarkood dhamaadeen todobaadkan halka kuwa haray dhamaan doonaan todobaadka dambe iyada oo la soo afjari doono xilli cyaareedkan 2017-2018

Xilli cayaareedkan ayaa ahaa mid lagu arkay waxyaabo cajiib ah xiddigo badan ka yaabsadeen adduunka soona bandhigeen qaab cayaareed cajiib ah

Kooxda Barcelona yaa iyadu hanatay horyaalka La Liga waxana wali dhamaadka horyaalka ka hartay hal kulan halka kooxda Man city hanatay premier League

PSG ayaa ku guulaystay horyaalka France iyada oo uu wali hal kulan ka harsan yahay horyaalka dhamaadkiisa halka horyaalka Italy ay Juventus ku guulaysatay hal kulana harsan yahay

Kooxda Bayern Munich ayaa iyadu ku guulaysatay horyaalka Germany

Hadaba horyaaladaas kala duwan ayay ku jireen xiddigo qaab cayaareed cajiib ah soo bandhigay waliba goolal badan dhaliyay si fiicana u difaacday

Shabakada Goal.com ayaa soo xulatay kuna dhawaaqday Shaxda ugu fiican ee 5-ta horyaal ee ugu waaweyn yurub xilli cayaareedkan