Sheekada Ka Danbeysa Sawirka Caan Baxay Ee Xalay Lagu Qaaday Jaran-jarada Camp Nou Ka Dib Kulankii Barca Iyo Sevilla

Waa saaxiibo isku weyn, waxa ay ku kulmeen magaalada Rosario waxaana xiriirkooda sii xoojiyay xulka qaranka Argentina. Waxay u fariisteen jaran-jarada Camp Nou inay sheekeystaan ka dib guushii 4-0 ee ay Barcelona ka gaartay kooxda Sevilla, waxaaana sawirka laga qaaday uu noqday mid si weyn ay u wadaageen bulshada luqada Isbaanishka ku hadasha.

Lionel Messi iyo Ever Banega waa saaxiibo aad isagu dhow laakiin kulankii shalay waxay ahaayeen kuwa iska soo horjeeda. Waxaa xitaa jirtay waqti uu Ever Banega kubad kala wareegay Messi isagoo isku dayay inuu gool u dhaliyo Sevilla.

Laakiin markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay Barcelona 4-0 ku garaacday Sevilla oo uu Messi laad xor ah dhaliyay, saaxiibada isku bartay Rosario ayaa wada fariistay jaran-jarada loo aado qolalka labiska Camp Nou, waxaana laga qaaday sawir si weyn loogu wadaagay baraha bulshada.

Labada xiddiga ayaa xitaa sawirkaan waxa ay soo dhigeen bartooda Instagram. Wargeyska Sport ayaa sheegaya in labada xiddig ay in cabaar ah fadhiyeen jaran-jarada iyagoo si tartiib u sheekeysanayay xilli ay isweydaarsadeen maaliyadaha

Dad badan ayaa sawirka ku tilmaamay inay xusuus u tahay markii ay yaraayeen iyo saaxiibtinimadoodii magaalada Rosario ee dalka Argentina.

Messi iyo Ever Banega inkastoo ay hal magaalo kawada yimaadeen hadana waxa ay u kala ciyaari jireen labo kooxood oo iska soo horjeeda, laakiin xulka qaranka Argentina ayaa u saamaxay inay iska garab ciyaaraan