Shuruudihii uu Zidane ku xiray soo laabashada kooxda Real Madrid Waxka Ogow

Real Madrid ayaa  ku dhawaaqday iney shaqadii macalinimo  u magacowday macalin Zidane.

Zidane oo uun sanadkii hore iska casilay xilkaas ayaa mudadii 2da sano iyo barka aheyd ee uu la joogay kooxdaasi kula guuleystay koobab muhiim ah ayna kamid yihiin 3 UCL iyo Horyaalka La Liga si lamid ah Koobka kooxaha aduunka iyo Uefo Super Cuo.

Hadaba kadib magacaabistii Zidane waxaa lasoo warinayaa in uu shuruud la galay kooxda Real Madrid kahor intuusan heshiiska u saxiixin shuruudaas oo aheyd shantaan qodob ee soo socoto halkaan hoose ka akhriso.

1-inaan lasoo faragashanin oo loo daayo maamulka kooxda

2-inaan la iibin Karin xidigaha kooxda baryahaan keydka ka noqday ee Isco iyo Marcelo.

3-in xiddiga amaahda uga maqan ee James aanan kooxda lagu soo celinin, waxaana xusid mudan in Zidane uu kooxda ka diray James.

4-in Mbappe lala hadlo isla markaasna kooxda lagu soo daro laguna qanciyo siduu Real Madrid uga mid noqon lahaa.

5-inuusan u baahneyn Neymar isla markaasna dooneynin in kooxda la keeno.