“Si Xun Ma Ila Hadli Kartid” – Leo Oo Furka Ku Tuurtay Garsooraha Kulankii Chelsea & Hadaladii Ay Is Dhaafsadeen

Lionel Messi, ayaa wuxuu cagta mariyay habeenkii Arbacadda Garsoorihii dhex-dhaxaadinayay kulankii ay soo dar-dareen Chelsea, kaasoo lagu magacaabo Damir Skomina.

Isku dhacaan shaqsi ayaa wuxuu yimid kadib markii Garsooraha uu qaaty go’aan kaasoo uusan jecleysan xidiga Barcelona, islamarkaana keentay inay dood kulul dhex-marto.

“Leo, is-deji” ayuu Garsoore Skomina ku yiri Messi, kadib markii uu si  xoogan uga banan-baxay weerar yahankaan go’aanka Garsoorka.

Sikastaba, Messi ayaa wuxuu Garsoorka ku tuurtay furka isagoona sii wada difaacitaanka nafsadiisa iyo waliba go’aankii uu ku banaan-baxay

“Ma ila hadli kartid aniga si xun,” waxaa sidaas ku jawaabay Messi, kaasoo umuuqday mid aan ku qanacsaneen go’aanka Garoosoorka.

“Ma aanan ku xishmo tirin aniga, miyaa sameeyay midaas?” ayuu Messi kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa, sida laga soo xigtay Majalada ESPN

Shilkaan ayaa wuxuu dhacay qeybtii koowaad ee ciyaartaas, markaaso Barcelona, ay hogaanka haysayy kuanka, islamarkaana ay kusii wajahneed wareega Sideed dhamaadka Champions League, kaasoo isku aadkiisa maanta la sameyn doono.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com