Sida Uu Arko In La Bedalo Booskiisa & Messi Oo Soo Xushay Goolashiisii Ugu Muhiimsanaa

Kadib markii uu dhaliyay goolkii guusha ee Laadka xurta ahaa, kulankii ay la dheeleen Atletico Madrid, taasoo Barcelona, siisay inay hogaanka La Liga sii dheereysato, ayuu Lionel Messi sheegay ku farax-san yahay.

Sidoo kale, kabtanka qaranka Argentina, ayaa wuxuu kaloo ka hadlay sida uu u arko in la bedalo booskii uu ka dheeli jiray horey, isagoona hoosta ka xariiqay in taasi aysan ka joojin isaga inuu goolal dhaliyo.

Messi, ayaa wuxuu hada guud ahaan ka dhaliyay horyaalka La Liga 24 gool, wuxuuna yahay gooldhaliyaha ugu badan ee tartankaan, wuxuuna guud ahaan xili ciyaareedkan shabaqa soo taabtay 48 jeer.

“Sanadkii hore, waxaan xoogaa dib uga dhacay booskeyga, waxaana wax xoogaa aan ka dambeeyaa weerarka ama Xerada ganaaxa, sanado badan ma aanan ka dheelin afka hore,” ayuu Messi, hadalkiisa ku bilaabay.

“Waxaan hada ahay mid halkaas ka dheelaya, waana run inaan halkaas wax badan kusoo sameeyay, laakiin waxaan mar walba sii wada doonaa fikrada ah inaan dhaliyo goolal,” ayuu hadalkiisa ku daray Lionel Messi.

Geesta kale, Lionel Messi oo soo xushay goolashiisii ugu muhiimsana ayaa wuxuu sheegay inuu xasuusto in kuwii ugu muhiimsanaa uu ka dhaliyay kooxda kubada cagta Real Madrid, kulamo Champions League ka tirsanaa.

“Waxaan mar walba sheegi karaa, inaan xasuusto in goolashii ugu muhiimsanaa ay ahaayeen kuwa yimid kulamadii Final-ka iyo semi-finalka Champions League, oo ay ka hortegtay Real Madrid,” ayuu cod dheer ku sheegay Messi.

“Tartankaan, waxaan ku leeyahay xasuus fiican, kuwaasoo aan si dhab ahaantii jeclahay, waana ku raaxeystaan inaan dheelo isaga,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Lamberka 10-aad ee Bluagrana.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com