Sidaan ma fileyn Alexis Sanchez oo ugu dambeyn afka furtay

kooxda Manchester United ayaa bishii Janaayo Arsenal kala soo wareegtay Alexis Sanchez iyadoo uu heshiiska qeyb ka ahaa Henrikh Mkhitaryan oo dhanka kale u wareegay.

Laacibka reer Chile ayaa ugu dambeyn afka kala furay isagoona qiray inuu filayay sidaan wax ka fiican.

Sanchez ayaa dhaliyay hal gool oo qura toban kulan uu u saftay Manchester United iyadoo uu Mkhitaryan wacdaro muuqato ka dhigayo kooxda Gunners.

Qaab cayaareedka liita uu galay Sanchez ayaa keenay in xitaa keydka loo dhaa dhiciyo cayaartii dhaweyd ay Manchester United FA Cup la cayaartay Naadiga Brighton.

Laacibka ugu mushaarka badan Manchester united ayaa mar uu xulkiisa kula sugnaa Sweden yiri Waxaan filayay wax intaan ka fiican.

Kaddib markii aan imid Man United, way adkeyd inaan si dhaqsi leh ku badelo wax kasta. Xitaa waxaan ka labo-labeeyay inaan halkan (Sweden) la imaado xulka qaranka.

Waxaan xulka waydiistay fasax aan kulamadan uga maqnaanayo, laakiin intaa kaddib si fiican ayaan u fikiray waxaana la hadlay Claudio Bravo waxaana u sheegay inaan wadaa midoobeyno.

Badelashada kooxda wuxuu ahaa wax aad kadis u ah, waxay ahayd markii igu horreysay aan kooxda badesho bisha Janaayo, laakiin waxyaabo badan ayaa nolosheyda igu dhacay kuwaa oo adag.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com