Suuqa Ciyaartoyda: Chelsea iyo Tottenham oo weerar ku ah AC Milan

Laacib Sports: Wararka aan ka heleeyno suuqa kala iibsiga ayaa sheegaya in AC Milan ay doonayso in ay Franck Kessie ka iibiso kooxaha Tottenham ama Chelsea sanadkaan cusub, Kessie ayaa noqday mid kamid ah xidigaha ugu muhiimsan Rossoneri tan iyo markii uu xagaagii 2017 kaga soo dhaqaaqay Kooxda Atlanta oo ay kawada ciyaaraan Seria A-da.

Ciyaaryahankaan qaaradda Madow kasoo jeeda una dhashay wadanka Ivory Coast ayaa kooxda San Siro kula jooga laba sano oo amaah ah, balse AC Milan ayaa diyaar u ah in ay si joogta ah ula saxiixato xagaaga soo aaddan 2019-ka.

Warar uu qoray Saxafiga wax ku qora Calciomercato ee Federico Zanon ayaa aaminsan in AC Milan ay iibinayso Kessie, kaas oo ay doonayaan Spurs iyo Chelsea.

Macalinka AC Milan Gattuso oo uu cadaadis kaga imaanayo xeerka dhaqaala wanaagga kooxaha yurub ee Financial Fair Play ayaa xidigan ka iibin doonta kooxdii diyaar u ah in 45-milyan oo Euro ah keento.

Franck Kessie