Taageerayaasha Barcelona oo codsi la yaab leh u gudbiyay cayaartoyda Real Madrid

Taageerayaasha kooxda Barcelona ayaa codsi layaab leh u gudbiyay cayaartoyda Real Madrid ka hor kulanka El-Clasico

Sida ay baahisay AS, Taageerayaasha Barcelona ayaa ka codsaday cayaartoyda Real Mdarid inay u sacbiyaan kooxdooda kulanka El-Clasico haddii ay ku guulaysato horyaalka

Barcelona ayaa u baahan kaliya 16-dhibic si ay u xaqiijiso horyaalka ka hor kulanka El-Clasico ee 6-da bisha May lagu cayaari doono garoonka Camp Nou

Cayaartoyda Barcelona ayaa diiday inay u sacbiyaan kuwa Real Madrid kadib markii kooxda caasimadu ay ku soo guulaysatay koobkii kooxaha adduunka ka hor kulankii lugta hore ee El-Clasico

Sidaas si lamid ah ayeey cayaartoyda Real Madrid u diidi doonaan inay u sacbiyaan Barcelona kulanka lugta labaad haddii ay hanato xitaa horyaalka maadaama kulankii lugta hore ay diiday inay u sacbiso

Image result for barcelona vs real madrid

Go’aan kaas adag ee ay qaadatay Real Madrid ayaa keenay in taageerayaasha Barcelona ay codsadaan in la dhawro sharciga La Liga isla markaana loo sacbiyo kooxdooda kulanka El-Clasico haddii ay mutaysato oo ay ku guulasato horyaalka ka hor kulankaas

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com