Taageerayaasha Barcelona oo codsigaan u gudbiyay Andres Iniesta intii uu socday kulankii xalay Athletic Bilabo

Kabtan Andres Iniesta ayaa keydka ku soo bilowday kulankii xalay Barcelona ay 2-0 uga adkaatay kooxda Athletic Bilabo

Tababare Valverde ayaa badal ku keenay Andres Iniesta daqiiqadii 64-aad ee qaybtii labaad markaas oo lagu badalay Dembele

Iniesta entra por Dembélé.

Markii uu soo galay garoonka ayeey halmar qaylo is qabsatay guud ahaan garoonka Camp Nou, taageerayaasha ayaana waydiistay Andres Iniesta inuusan ka tagin kooxda

Taageerayaasha ayaa u sacbinayay, isla markaana ku qaylinayay magaciisa, waxayna kadib ku heesayeen: “Iniesta, Iniesta, waan ku jecelnahay, iska joog Iniesta”

Precarga foto ampliada

Arinkaan ayaa imaanaya xili laacibka la filayo inuu go’aan ka gaaro mustaqbalkiisa Barcelona ka hor 30-ka April sida uu xaqiijiyay kadib kulankii Chelsea

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com