Taageerayal xulka Soomaali ah ayaa gaaray magaalada Harare iyagoo ka ambabaxay wadanka…

Taageerayal Soomaali ah ayaa gaaray magaalada Harare iyagoo ka ambabaxay wadanka South Afrika si ay taageero ficil ah ugu sameeyaan qarankooda oo kulan dhimasho ah la ciyaaraya dhigooda Zimbabwe Maanat.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa si qurux badan uga shaqeysay in dhalinyarada iskood isku xilqaamay ee ku nool wadankaas ay helaan ogolaansho ay ugu safraan wadanka dariskooda ah si ay taageero ugu sameeyaan qaranka.

Safar saacado qaatay oo ay kaga baxeen magalooyin ka mid ah Koonfur Afrika, waxey ugu dambeyntii gaareen halkii ay rabeen oo aheyd Harare.

Image may contain: 8 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 3 people, car and outdoor