Taageerayasha kooxda  Realmadrid ayaa mourinho waxay u arkaan inuu yahay kaliya midka xaladan..

Kadib fashilkii zidane ee xalay taagerayasha kooxda  cadcad ka ayaa mourinho waxay u arkaan inuu yahay kaliya midka xaladan kabadbaadin kara ee kujirta kooxda Realmadrid.

Taageerayaasha kooxda Real Madrid ayaa bilaabay olole ay ku doonayaan in shaqada looga cayriyo  Zidane kadib guuldaradii Real Madrid xalay ka soo gaartay kooxda heerka labaad ka soo baxday ee Real Mallorca.

Zidane ayaa xili ciyaareedkan wajahaya tijaabo ka adag tii uu Zinedine hore ugu soo maray garoonka Santiago Bernabeu wuxuuna u muuqdaa mid haddaba luminaya taageeradii waalida ahayd ee uu jamaahiirta Real Madrid kaga soo kabsaday ka ciyaartoy ahaan iyo ka tababare ahaan.

Zidane ayaa culays wayn dareemaya ka hor kulanka Galatasaray ee Champions League maadaama ayna soo guulaysan labadii kulan ee ka horeyay