Taariikhda, Saacadda, Garoonka & Wax Walboo Aad Uga Baahan Final Koobka Aduunka 2018

Tartanka koobka aduunka 2018 ayaa waxaa uu hadda marayaa heer Gaba-gabo ah, iyadoo dalalka Croatia iyo Faransiiska ay isugu soo hareen Darajadda ugu dambeysay ee dhacadda ugu wayn cayaaraha.

Xulka Croatia waxay utahay markii ugu horeysay oo ay usoo baxaan Final-ka taariikhda oo dhan, halka Faransiisku utahay markii ugu horeysay tan iyo 2006-dii, markaasoo Talyaaniga Rigoorayaal uga qaaday.

Final-ka 2018 oo ka duwan sanadii hore ayaa waxa uu ka dhici doonaa Luzhniki Stadium, oo ku yaala Magaaalada Moscow ee caasimadda dalwaynaha Ruushka ee Qaaradda Yurub.

Ciyaartaan oo laga daawan doono Geeska Afrika 18:00 Maqribnimo ayaa hadii ALLE laga helo waxay dhaceysaa 15-ka bishaan Julaayo oo ku beegan maalinta Axadd ah ee isbuuca soo aadan.

Qalcadda caanka ah ee Luzhniki Stadium, waa midda Sideedaa ugu wayn garoomadda Yurub oo dhan, waxaana uu qaadaa dad gaaraya illaa 81 kun oo qof, kuwaasoo heerar kala duwan leh.

Garoonkaan waxaa la furay bishii Julaayo 31-keeda, sanadku markuu ahaa 1956-dii, iyadoona uu si rasmi ah ugu cayaaro ama uu leeyahay xulka qaranka kubadda cagta ee wadanka Ruushka.

Sikastaba, sanadkaan wuxuu marti-gelin doonaa garoonkaan dhacdo wayn, kaasoo midkood Faransiiska ama Croatia uu ku luxi doono garoonka dhexdiisa koobkaan aduunka 2018.