Tababaraha AS Roma Oo Digniin Culus U Diray Real Madrid Kahor Kulanka Champions League

Maamulaha naadiga AS Roma ayaa wuxuu wacad ku maray inay ku dadaali doonan sidii ay laba cad uga dhigi lahaayeen Real Madrid.

Eusebio Di Francesco ayaa qiray inay dhibaato culus u mari doonan sidii ay ugaari lahaayeen hadafkaasi aadka u wayn.

Roma iyo Real Madrid ayaa kamid ah naadiyadda la saadaalinayo inay meel-wacan ay ka gaari karaan koobkani xili ciyaareedka.

“Labadeena waxaan nahay kuwa umuuqda inay rafaai doonan, waxaana ku jirnaa bandhig isku mid ah,” ayuu yiri.

“Inaga boos wacan ayaan kaga jirnaa Champions League, waana awoodi karnaa inaan dardarno iyaga.

“Kulankani waa midka u haboon inaan muuqaal ciyaareed fiican sameyno, iyo inaan labo cad ka dhigno,” ayuu kusoo xiray hadalkiisa.