Tababaraha Faransiiska Oo Ka Warbixiyay Dhaawaca Kylian Mbappe Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Laacibka kooxda kubadda cagta PSG ee Kylian Mbappe ayaa wuxuu dhaawacaan uu soo gaarey dheeshii uu wadankiisu wajahay dhigiisa Uruguay ee saaxiibtinimo.

Ninkan udhashay wadanka Faransiiska ayaa dhibaato waxay kasoo gaartay garabka, taasi oo wada u xaari karta inuu garoomada ka maqnaado muddo badan.

Kooxdiisa wali kama aysan soo saarin warbixin caafimaad, inkasta oo lasoo sheegayo inuu garoomada ka maqnaanaya muddo ku siman labo isbuuc.

Maamulaha wadanka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa sheegay inay rajo fiican ka qabaan inuu ciyaaryahankaan dib usoo laabtaan dhowaan.

“Isaga waxa uu ka dhaawacmay garabka, waxa uu udhacay si aad udaran,” ayuu yiri Didier Deschamps sida ay kasoo xigatay majaladda SP.

“Waan sugi doonaa warbixinta caafimaadka ee kooxda badqabka,” ayuu hadalkiisa ku daray, isaga oo raaciyay: “Aniga ma xukmin karo xaaladda.

“Balse, waxaa muuqata inuu dhowaan soo fiicnaan doono, waana sugaynaa inuu dhowaan dib usoo cago dhigo garoonka,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Didier Deschamps.