Tababaraha Ingiriiska Oo Ka Hadlay Hadii Wayne Rooney Uu Kabtan Noqonayo Kulanka Soo Socda

Wayne Rooney ayaanan ugu bilaaban doonin England kulanka United States, laakiin Gareth Southgate ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu gacan qaado halyeeygii hore ee wadanka Saddexda Libaax.

Rooney ayaa dib uxiran doona maaliyadda wadankiisa kulan saaxiibtinimo, maadaama uu mar sii horeysay uu iska siibay kabaha kubadda cagta xili kulankaan uu uyahay mid sagootin ah.

Southgate ayaa si lamid ah wuxuusan meesha ka saarin in Rooney uu xiran karo Lamberka 10aad kulankaan lagu casuumay.

“Ma xiran karo Lamberka 10aad, sababta oo ah ma uusan kusoo bilaaban,” ayuu yiri Southgate oo warbaahinta la hadlay.

“Marka ay timaado caalaamada kabtanimada, isaga islamarkiiba oo uu garoonka soo galo waxaa udhiibi doona Jordan Henderson.

“Sidaasi darteed waxaan filayaa in ay ku xiran tahay duruufaha ku hareereysan ciyaarta iyo ciyaartoyda halkaan taagan, laakiin wax dhibaato ah kama qabo arintaas,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.