Tababaraha Kooxda Plzen Oo Ka Warbixiyay Qorshaha Ay Doonayaan Inay Ku Dubtaan Real Kulanka UCL

Maamulaha naadiga Plzen, ninka lagu magacaabo Pavel Vrba ayaa rajo fiican ka qaba in kooxdiisa aanan dhinaca dhulka loo dhigin kulanka Champions League oo ay caawa ka horjeedaan Real Madrid.

Labadaan kooxood ayaa lugtii koowaad waxay dheeshooda ay kusoo dhamaatay 1-0 oo lagu khaarijiyay kooxda reer Spain.

Dheesha caawa ayaa kusoo aadeysa xili isbedal dhinaca hogaanka ah uu ku dhacay boqoradda dalka Spain.

“Aniga waan garanayaa inaan haysano wax badan,” ayuu yiri Pavel Vrba oo war-fidiyeenka la hadlay kahor dheesha.

“Waxaan rajeynayaa aniga in ciyaartoydeeda ay helaan waxa ugu wanaagsan, sida kulankeenii koowaad.

“Balse, dabcan waa inaan ogaanaa waxay ay yihiin kooxda aan ka horjeedno,” ayuu hadalkiisa kusii daray tababaraha naadiga kubadda cagta Plzen, ninka lagu magacaabo Pavel Vrba.