Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer doonayay inuu ceshto Romelu Lukaku-Miyuu laftiisa ka jawaabaya

Romelu Lukaku ayaa sheegay in uusan lahayn awood uu ku sii joogo Kooxda Man United, inkastoo Ole Gunnar Solskjaer uu doonayay inuu baaqi ku sii ahaado Old Trafford ka hor inta uuna ku biirin  Inter Milan  U dhaqaaqista ee horyaalka Serie A ayaa soo gabagabeysay labo sano oo uu joogay Man United taasoo keentay inuu wajaho dhaleecayn joogto ah oo ku aaddan bandhigiisa, gaar ahaan xilli ciyaareedkiisii labaad ee kooxda.

Macalinka Man United ee Solskjaer ayaa bishii Sebtember sheegay inay ahayd go’aanka saxda ah: In la fasaxo Lukaku, maadaama ay taasi fursad u siinaysay da’yarka Mason Greenwood.

Wareysi uu siiyay  Ian Wright, Lukaku wuxuu yiri: “Hal sano oo xun ayaa ku dhici kara qof walba shaqadiisa, waa la ii qabtay uun, waxay ahayd xaalad adag halkaan, naftayda ay ku qasbanaaday inaan go’aansado, halkaan ku qasbanahay inaan aado meel aan ku soo bandhigo xirfadeyda ciyaareed”

Lukaku oo hadalkiisa sii wata ayaa hadalkiisa ku daray: “Ole wuxuu doonayay inaan joogo, laakiin waxaan u sheegay in aan rabo in aan ka tago naadiga iina fasaxo meesha aan rabo.”

Kaddib bilow adag oo xilli ciyaareedka ah, qaab ciyaareedka Man United ayaa u diyaar garoowday inay u tartamto afarta koox ee ugu sarreysa Premier League, halka ay weli baaqi ku yihiin tartammada FA Cup iyo Europa League ka hor inta aan kubada cagta la joojin sababo la xiriirta cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com