Tababaraha PSG Oo Ka Hadlay Rajada Ay Ka Qabaan Inay Khaarijiyaan Liverpool Kulanka Champions League

Liverpool, waa koox wayn oo wax kasta laga filan karo, sidaasi waxaa laga soo xigtay Thomas Tuchel, oo ah maamulaha naadiga PSG, oo ay caawa is-wajahayaan.

Reds iyo kooxda reer France oo ciyaartoydeeda qayb ay ka tahay heerka Group-yadda tartanka, waxay mid kasta dooneysaa inay hesho saddexda dhibcood.

Tuchel ayaa si cad wuxuu kaga dhowaajiyay inay rajo wanaagsan ay ka qabaan marka ay timaado inay labo cad ay ka dhigaan kooxda PSG, kulanka caawa.

“Balse, Liverpool waa koox wanaagsan oo aad u wayn…Taariikh suubna ku leh tartanka…Sidaas darteeda, waxaan anan indhaha ka qarsan karin inay labinta sara heli karaa,” ayuu yiri.

“Markaan sidaasi leeyahay ma ahan ina aanan ahayn kuwa aan wax fiican filaynin..Balse, waa wacyiga jira, iyo sida ay wax kasta isku bedali karaan,” ayuu raaciyay.

“Labada kooxood xagaagan is-dhisitaan wanaagsan ayay sameeyeen, sidaas darteeda, waxaana isku diyaarin doonaa inaan maqaam sarre gaarno,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.