Tababaraha Real Madrid Oo Si Adag Uga Horjeestay Qorshe Uu Wado Xiriirka Kubadda Cagta Spain

Julen Lopetegui, tababaraha Real Madrid ayaa kasoo horjeestay olale uu wado xiriirka kubadda cagta dalka Spain ee ah in kulamadda La Liga qaarkood lagu dheelo Mareykanka.

Lopetegui, ayaa waxa kaloo arrimaha kale oo uu ka hadlay kamid ah saamaynta ay ciyaartoyda kooxdiisa ku yeelan karto kulamadda saaxiibtinimo ee caalamiga ah.

“Ciyaartoyda waxay yimaadeen markii ay imaadaan, waana inay la qabsadaan,” ayuu Lopetegui u sheegay warbaahinta, maanta oo Jimco ah.

“Atletico Madrid waxay is diyaarinayaa illaa habeenka ciyaarta, marka waxaa waajib nagu ah inaan ogaano waxa aan ka filayno Atletico Bilbao.

“Waxa uu nnoqon doonaa kulan wanaagsan, laakiin aad u adag, waxaa waajib nagu ah inaan sarre u qaadno dareenkeena, kahor inta aanan kala jabin.

“Athletic waxay waxaa xaqiiqo ah inay u dheeli doonaa si fiican si ay guuleystaan. Waxaana ay tahay inaan 100% noqonayo kuwa tamar ahaan diyaar ah.

“Kani waa kulan aan wajahano Athletic, kaasoo noo ah inaga ahaan mid muhiim ah,” ayuu sii daba dhigay Julen Lopetegui, oo ah maamulaha Los Blancos.

Hogaamiyaha Los Blancos ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay kulanka ay wajihi doonan dhigooda Atletico Bilbao, kaasoo ka tirsan horyaalka wadanka Spain ee La Liga.

“Aniga ma xiisaynayo waxa dhaca. Mana ahan mid ka dhigeysa horyaalka mid siman. Koox walba waa inay  ku dheeshaa garoonkeeda,” ayuu ku adkeystay macalinka Real Madrid.