Tababaraha Roma Oo Shaaciyey Xidiga Haatan U Dheela Real Ee Ujeclaan Lahaa Inuu Yimaado Kooxdiisa

AS Roma ayaa khasaaro 3-0 ah kala kulantey Real Madrid kulan ka tirsanaa heerka Gruoup-yadda ee tartanka Champions League.

Los Blancos ayaa guul ku furatey ciyaarta, xili ay soo bandhigeen qaab ciyaareed weerar ah, taasoo lala dhacey.

Eusebio Di Francesco maamulaha kooxda reer Italy ayaa iska indho tirey laacibiin dhowr ah, kuwaasoo Madrid udheesha.

Sheekaddaan oo ay hadalheyaan dad badan ayaa timid markii la waydiiyey xdiga haatan udheela ee uu jeclaan lahaa inuu yimaado kooxdisa.

“[Marcos] Asensio,” ayuu ku jawaabey markii la weydiiyey su’aashaasi, isaga oo wareysi siinaya majaladda AS ee wadanka Spain.

Marcos Asensio ayaa haatan loo xushey doorka uu Cristiano Ronaldo baneeyay ee Los Blancos, xili uu weerarka ku wehliyo ciyaartoyda kala ah; Gareth Bale iyo waliba Karim Banzema.