Tababaraha Tottenham Ee Pochettino Oo Ka Hadlay Hadii Ay Go’aan Sadeen In Kane Ay Real Ka Iibiyaan

Xili si weyn loo hadal-hayo in Real Madrid ay xusul duub ugu jiro sidii ay ku heli lahayd ciyaaryahan Harry Kane, ayaa waxaa sheekadaas hoos udhigay, maamulaha kooxda uu xidigaan ka tirsan ee Tottenham, ninka lagu magacaabo Mauricio Pochettino.

Kane, kaasoo sanad ciyaareedkan tartamada oo dhan ka dhaliyay 48 gool, kana mid ah, xubnaha u tartameysa Abaalmarinta kabta dahabka ee qaarada Yurub ayaa waxaa dhaawac looga saaray ciyaartii ay shalay dheeshay kooxdiisa.

“Waxaa jira warar leysla dhexmarayo oo ku saabsan kubada cagta – Waxaadna ubaahan tahay inaan dhameysato oo aad si toos ah u maqasho xantaas, maxaa yeelay waa qeyb kamid ah kubada cagta oo muhiim ah,” ayuu Pochettino yiri.

“Wararka xanta ah nama saameynayaa inaga, koox ahaan, wax go’aan ah wali ma qaadan, mana ku dhihi karo waxba, kuwaas waa warar xan ah,” ayuu hadalkiisa ku daray, macalinkii hore ee kooxda kubada cagta Espanyol, ee wadanka Spain.

Mar la weydiiyay hadii uu Harry Kane kala hadlay arrinkaas ayuu ku jawaabay: “Harry, waa uu niyad-jabsan yahay kadib [markii aan kasoo harnay Champions League] mana hayo waqti aan kala sheekeysto mustaqbalkiisa iyo xaaladahaan oo kale.

Tottenham, ayaa waxay hada kamid tahay kooxaha ugu awooda badan dalka Ingiriiska, waxayna kaga jirtaa waqt-xaadirkaan shaxda kala horeynta ee Premier League, kaalinta Afaraad iyadoona shaqeysatay kulamadii ay dheeshay 58 dhibcood.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com