Tababare Allegri Oo Ka Hadlay Rajada Ay Ka Qabaan Inay U Soo Baxaan Wareega 16-ka UCL

Maamulaha naadiga Juventus, ninka lagu magacaabo Allegri oo warbaahinta la hadlay ayaa muujiyay kalsooni dheeri ah oo ku saabsan inay usoo baxaan wareega 16-ka ee tartanka way nee Champions League.

Marwada Duqda ayaa la balansan dhigeeda Manchester United kulan ciyaareed ka tirsan heerka Group-yadda ee tartankaan aadka uxiisaha aadan, kaasi oo lugta labaad ah xili ay Juve soo adkaatay kulankii koowaad.

“Waqti xaadirkaan, waxaa usoconaa inaan wanaagsanaanno. Caawa, waxaa rabnaa inaan gaarno wareega xiga,” ayuu yiri.

“Wax kasta oo dhaca, waxaan dooneynaa inaan bisha Maarso noqono kuwa fiican oo bandhig heer sarre ah ku jira.

“Waxaan kaloo dooneynaa in Berri aan noqono kuwa loolanka koobkaan safka hore uga jira,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

“Sidaas darteeda, waxaan isku tax-luujin doonaa inaan mar kasta wanaajino muuqaal ciyaareedkeena,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Maamulaha naadiga Juventus, ninka lagu magacaabo Allegri.