Tababare Klopp Oo La Kulmay Madaxda Liverpool si uu ugala hadlo…

Macalinka Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa lagu soo waramayaa in uu la kulmay madaxda Naadiga Liverpool si uu ugala hadlo soo celinta Philippe Coutinho Marka la gaaro xagaaga.

kadib 18 bilood markii uu xiddiga ka tagay Liverpool kuna biiray Barcelona waxa iska cad in ay kooxda reer Catalonia doonayso in ay iska iibiso xiddiga ay 142 milyan kula soo saxiixdeen.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa haatan amaah kula jooga kooxda Bayern Munich laakiin waxa la filayaa in uu isaga tago kooxda reer Germany dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaar u tahay in ay miiska saarto lacagta 60-ka milyan ah ee ay Barcelona haatan ku qiimayso xiddiga qadka dhexe.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com