Tababare Mourinho Oo Jawaab Aan Caadi Ahayn Siiyay Jamaahiirta Juve Kadib Afgalaado Ay U Geysteen

Maamulaha Manchester United oo warbaahinta la hadlay kadib kulankii ay 2-1 uga badiyeen dhigooda Juventus, kaasi oo ka tirsanaa heerka Group-yada Champions League ayaa u ujawaabay jamaahiirta kooxda reer Italy.

Marwada duqa ayaa goolka ku horeysay xili uu usaxiixay Cristiano Ronaldo, kaasi oo shabaqa taabtay daqiiqadii 64aad, inkasta labo gool oo deg deg ah ay heshay Red Devils.

“Waxay i aflagaadeynayeen muddo ku siman 90 daqiiqo. Iyaga oo igu caynaya shaqada aan qabanayo,” ayuu yiri macalinkaan udhashay dalka Portugal.

“Waxay sameeyeen arbushaad. Aniga waxaan haatan doonayaa inaan maqlo wax yar oo ku saabsan sheekadooda,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

“Aniga ma sameynayo haatan taasi. Iyaddu waxay ahayd wax aad ukulul. Balse, aniga halkaan waxaan u imaaday xirfad sareysa,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

“Iyagu [taageerayaasha] waxay kaloo ay aflagaadeeyeen qoyskeyga,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay tababaraha Manchester United, Jose Mourinho.