Tababare Sarri Oo Sharaxay Sababta Uu Ugu Farax-san Yahay In Courtois Uu Ka Tago Chelsea

Hogaamiyaha Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa ugu horeyn qirtay in kooxdiisa ay lumisay mid kamid ah Goolhayayaasha ugu muhiimsan aduunka, laakiin wuxuu ka dhawaajiyay inuu ku farax-san yahay.

Isaga oo fahfaahin dheeri ah ka bixinaya dareenkiisa ayuu ku sheegay inay uwacan tahay inay heleen bedalka Thibaut Courtois, kaasoo ah Kepa, iyo laacib Mateo Kovacic oo khadka dhexe ka dheela.

Thibaut Courtois waxa uu ku biiray Real Madrid, halka Kovacic uu uga soo dhaqaaqay Madrid heshiis sanado amaah ah, taasoo saxaafada ku sheegayso inay tahay Labo sano.

Tababare Sarri oo saxaafada la hadlay ka hor kulanka furitaanka Premier League oo ay la balansan yihiin dhigooda Huddersfield, kaasoo dhici doona maalinta Axadda ah ee isbuuca dambe.

“Waxaan ku farax-sanahay labadooda. Xaalada Courtois waxay ahayd wax iska cad,” ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

“Waxa uu doonayay inuu usocdaalo Madrid, marka waxaan luminay mid kamid ah Goolhayayaasha dunida ugu fican,” ayuu raaciyay.

“Laakiin, waxaa hadda haysanaa mid kamid ah Shabaq-ilaaliyaasha da’da yar ee ugu muhiimsan Yurub.

“Waxaan dhab ahaantii la farax-sanahay Kovacic, maxaa leeyahay waxaan aaminsanahay dabeecadaha uu nasiinayo.

“Aad ayaan ufarax-sanahay, aana rumaysanahay ciyaartoyda aan hadda haysano oo ah kuwa dhameystiran,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay macalinka Chelsea ee Maurizio Sarri.