Tababare Unai Emery Oo La Siiyay Muddo Uu Ku Badbaadsado Mustaqbalkiisa Macalinimo ee Arsenal

Tababare Unai Emery Oo La Siiyay Muddo Uu Ku Badbaadsado Mustaqbalkiisa Arsenal & Kulamada Uu Wajahayo.

Maamulka Arsenal ayaa tallaabo u qaadaya iney meesha ka saaraan Unai Emery kadib markii lasoo wariyay in macalinka reer Spain la siiyay wakhti uu ku badbaadsado mustaqbalkiisa kooxda kadib markii uu keenay natiijooyin aan lagu qancin xilli ciyaareedkaan bilowga ah.

Unai Emery, waxaana laga war dhawri doonaa sida uu kooxda u maamulo bishaan November oo ay kooxda ciyaareyso afar kulan oo qura, laba ka tirsan horyaalka iyo laba tartanka yurub ah.

Gunners hadii ay guuldaro kala kulanto Leicester City isbuuca soo aadan waxey 9-dhibcood u jiri doontaa kaalinta 4-aad ee horyaalka, waxaana imaan doonta cabsi ku aadan iney kooxda  ku dhameysan weyso booska looga soo baxo koobka horyaalada yurub.

Si kastaba Jose Mourinho waa macalinka ugu cad-cad ee shaqadaan la wareegi kara iyadoo la filayo in maamulka ay go’aan ka gaaraan mustaqbalkiisa hadii ay sii socdaan natiijooyinka aan fiicneyn oo ay kooxda la kulmeyso.