Tababare Wenger Oo Shaaciyay Liiska Ciyaartoyda Ka Maqnaan Doonta Kulanka Caawa Ee AC Milan

Arsenal, ayaa waxay caawa ay kula dheeli dootaa garoonka San Siro, ee Magaalada Milan, ee wadanka Talyaaniga kooxda AC Milan, lugta koowaad ee wareega 16-ka, tartanka labaad ee Yurub ugu xiisaha badan ee Europa League.

Ciyaartaan waxaa Gunners-ka, ka maqnaan doonta ciyaaryahano badan, kuwaasoo qaarkood ay dhaawacan yihiin halka kuwa kale ay yihiin kuwa ku seegaya sharciga Xiriirka kubada cagta Yurub oo ah inay horey ugu soo dheeleen kooxo kale.

Sida uu xaqiijiyay tababare Arsena Wenger Arsenal waxaa kulankaan dhaawac uga maqnaan doonta ciyaartoyda kala ah Hector Bellerin iyo Nacho Monreal, waxayna labadooda yihiin kuwa dhibaato dhanka Muruqa ah qaba.

“Labadooda mana soo safri doonan sababtoo ah, waxay qabaa dhibaato ay mudo saalada qaliinka usaarnan doonaa,” ayuu Wenger ka sheegay shirka Jaraa’id ee ka horeeya ciyaarta ay la dheeli doonaan Caweysnimada caawa Gunners.

“Kulanka, waa mid adag, waana uu ogyahay qof walba, waxaana isku deyi doonaa, inaan ka duwanaano sidii hore,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Geesta kale, ciyaartoyda kala ah: Pierre-Emerick Aubameyang iyo Henrikh Mkhitaryan, ayaa waxay ku maqnaan doonaan ciyaartaan iyo waliba kuwa kale, ee ka harsan koobkaan, inay horey ugu soo dheeleen kooxaha Man United iyo Dortmud.

Warar ayaa sheegay, sidoo kale in weerar yahanka reer France, ee Alexandre Lacazette, uu dhaawac dhanka Jilibka ah uu ku maqnaan doono ciyaartaan, laakiin Wenger ma uusan kusoo hadal qaadin shirkiisa Jaraa’id.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com