Tababare Zidane Oo Amaan Ugu Qubeeyay CR7 Kadib Guushii Eibar: “Wuxuu Ka Yimid Duni Kale”

Tababaraha kooxda kubada cagta Real Madrid, ninka lagu magacaabo Zinedine Zidane, ayaa wuxuu sheegay in Cristiano Ronaldo uu ka yimid duni kale, kadib markii uu goolal uu dhaliyay ay uga badiyeen Eibar.

CR7 ayaa labbo jeer shabaqa soo taabtay kulankii ay Los Blancos 2-1 ay uga soo badiyeen Eibar, waxaana goolasha uu kala dhaliyay Kabtanka qaranka Portugal daqiiqadihii 34aad iyo waliba 84aad ee qeybaha 1aad iyo 2aad.

Sikastaba, guushaan ayaa waxay ka saaciday Los Blacos, inay yeelato 57 dhibcood, islamarkaana ay xoogaa kusoo dhawaato kooxda kubada cagta Atletico Madrid, taasoo fadhisa kaalinta labaad misana leh 62 dhibcood.

 “[Cristiano Ronaldo] wuxuu ka yimid duni kale,” ayuu ciyaarta kadib sheegay hogaamiyaha kooxda kubada cagta Real Madrid.

“Waa uu garanayaa, inuu usocodo sida loo dhaliyo, waana mid gaar ah ah waliba qaas ah,” ayuu ninkaan reer France hadalkiisa ku daray.

“Rikooradiisa ayaa ka waramaya wuxuu yahay isaga, wuxuu mar walba yahay mid si fiican ufikira, hadii uu helo labo wuxuu doonayaa saddex, waana mid aad u wanaagsan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Zidane.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com