Tammy Abraham Oo doortay kooxda Uu Doonayo In Ay Chelsea Ku Aado wareega 16-ka

Laacibka weerarka uga ciyaara kooxda Chelsea ee Tammy Abraham ayaa rajaynaya in ay kooxdiisa chelsea wareega 16-ka champions League ku aado kooxda Barcelona.

Kooxda Chelsea ayaa iska xaadirisay wareega 16-ka kadib markii ay garaaceen Lille iyaga oo Group-kooda kaga soo baxay kaalinta 2-aad.

Xiddiga Tammy Abraham oo la hadlaya shabakada Goal ayaa yiri U Soo bixistayna wareega 16-ka waxa ay ahayd mid xiiso leh.

“Waxa aan doonaynaa in aan wareega xiga ku aadno kooxda Barcelona sababta oo ah waxa aan doonaynaa in aan la ciyaarno kooxda ugu fiican champions League Ma jirto cabsi aan ka qabno diyaar ayaan u nahay hadii aan ku aadno.
Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com