Tartanka Degmooyinka Kubadda Cagta ee Gobolka Banadir Oo Maanta Ka furmi Doona Magaalada Muqdisho

Tartanka Degmooyinka Gobolka Banadir ayaa maanta shumaciisa laga daari doona garoonka Eng Yariisow Stadium (Ex koonis ) ee dhaca degmada Cabdicasiis.

Caadiyan tartankan waxaa la qabta sanadkii mar waxaana ka qeyb gala 17-ka degmo ee hoos yimaada Gobolka Banadir.

Markaad maqasho Tartan degmooyinka kubadda cagta waxaa durbadiiba kugu soo dhacaya taageerayal faro badan oo sita boorar kala duwan kuwaaso oo ay ku kala taageerayaan degmooyinkooda sidoo kale waxaa garoonka ku arkeysa qeybaha kala gadisan ee bulshada kuwaas oo aan u kala carabaab-neyn caruur iyo ciroole ba sida caruur, dhalinyaro iyo dad da’ ah oo taageersan degmada ay ku nool yihiin, taas oo ku tusineyso in tartankan uu mideeynayo caruur iyo ciroole.

Tani iyo markii laga badalay magaca Garoonka Banadir Stadium ina loo bixiyay Eng Yariisow Stadium waa markii ugu horeysay ee tartan lagu dheeli doono.

Koobkan waxaa daafacneysa degmada Waabari oo sanadkii ugu dambeyay ee la qabto tartanka 2017-ka ku guuleysatay iyadoo ka qaaday degmada Shibis.

Furitaanka tartanka Degmooyinka waxaa lagu wada in maanta lagu daaf furo degmooyinka kala ah Degmada koobka heesato ee Waabari iyo Xamar Weyne.

Degmada Waabari labadii sano ee la soo dhaafay iyada ayaa qaadeysay koobka Degmooyinka ee Gobolka Banadir.

Waabari iyo Xamar Weyne waxaa ka dhaxeeya xifaaltan kubadeed iyadoo la xasuusto finaalkii tartanka degmooyinka sanadkii 2014-kii in labadan degmo ay isku arkeyn, inkasto xiligaas ay ku guuleysatay degmada Xamar Weyne.

Degmooyinkan ayaa maalmihii ugu dambeyay waxey tababar adag ugu jireen u diyaar garwoga tartanka Degmooyinka Gobolka Banadir.

Kooxaha: Waabari VS Xamar Weyne
Garoonka: Eng Yariiso Stadium
Saacada: 3:45

W/Q Cabdifitaax Nani