Thierry Henry Oo Qarka U Saaran Inuu Tababare U Noqdo Koox Ka Dheesha Faransiiska – Waa Tee?

Thierry Henry ayaa ku dhow inuu noqdo tababaraha soo socda ee Monaco, kadib markii wadahadaladii u dhaxeeyay labada dhinac ay marxalad sare gaareen, sida ay ku waramayso majalada Sky Sport.

Leonardo Jardim ayaa la ceyriyay khamiista maanta ah, kaasi oo isaga oo 18 sano jir ah ku biiray kooxda dheesha horyaalka Ligue 1, xili cayrintiisa ay ka dambeysay markii uu badiyay kaliya hal kulan 9 kulan furitaanka xagaagan.

Henry wuxuu jecel yahay shaqada, waxaana uu xiriir adag la leeyahay Monaco ka dib markii uu xirfadiisa ciyaareed ku soo bilowday halkaan.

Waxa uu ka tagay Sky Sports xagaagan, si uu u sii wato inuu doonayo inuu tababare noqdo, inkastoo uu weli qeyb ka yahay tababaraha Roberto Martinez ee Belgium, koobka aduunka ee sanadkaan.

Ciyaaryahankii hore ee France iyo Arsenal ayaa shaqo bilaabay sannadka 2016, waxaana haatan la filayaa inuu sii joogo xulka qaranka ciyaaraha isreebreebka koobka adduunka ee ay la leeyihiin Switzerland maalinta jimcaha.

Henry ayaa wadahadalo la yeeshay Aston Villa Isbuucaan si uu u noqdo tababarahooda cusub, sida laga soo xigtay Sky, laakiin waxay u magacaabeen Dean Smith Arbacadii.

Jardim ayaa Monaco geeyay semi-finalka Champions League xilli ciyaareedka 2016 ilaa 2016-ka, balse kooxda Pep Guardiola ee Manchester City ayaa la laashey tartanka oo ay hanatey Real Madrid.

Sidoo kale, Henry ayaa lagu waramayey inuu yahay mid ka mid ah shaqsiyaadka bedali lahaa Arsene Wenger xagaagan markii uu isaga tegay Arsenal, kaasi oo haatan ah mid aanan wax shaqo ah gacanta ku haynin.