Thierry Henry Oo Saadaaliyay Ciyaaryahanka Ku Guuleysan Doono Sanadkaan Biladda Ballon d’Or

Tababaraha naadiga kubadda cagta AS Monaco, Thierry Henry ayaa aaminsan in ciyaaryahan udhashay wadanka Faransiiska uu sanadkaan ku guuleysan doono abaalmarinta wayn ee Ballon d’Or.

Guuleystaha ayaa lagu wadaa in lagu dhawaaqo horaanta sanadka soo socda, xili ay usharaxan yihiin laacibiin dhowr ah.

“Aniga waxaan sheegay isbuuc kahor in maskax ahaan uu ku guuleysan doono ciyaaryahan reer France ah,” ayuu yiri.

“Dad qaarkood waxay ka hadlayan [Antoine] Griezmann, [Kylian] Mbappe iyo [Raphael] Varane,” ayuu hadalkiisa ku daray.

“Eden Hazard ayaa sidoo kale si wanaagsan uga soo dhex-muuqday koobkii aduunka ee 2018,” ayuu raaciyay.

“Inaga sidoo kale waxaan ka hadleynaa Cristiano Ronaldo iyo [Lionel] Messi, oo ah kuwa dheeri ah,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray  Tababaraha naadiga kubadda cagta AS Monaco, ninka lagu magacaabo Thierry Henry.