Tottenham ayaa guul dirqi ah ka gaartay Chelsea- Lugta 1-aad ee Semi-finalka Carabao Cup

Kooxda kubada cagta ee Tottenham ayaa guul ka gaartay naadiga chelsea kulan ka tirsanaa Lugta 1-aad ee Semi-finalka Carabao Cup-ka kaas oo ka dhacay garoonka Wembley.

Kulanka ayaa ahaa mid adag labada kooxoodna ku jiraan is ilaalin weyn si fiicana u difaacanayaan.

Labada Kooxda Chelsea ayaa qayb ka mid ah kulanka u muuqatay mid cabsi yar ku jirto iyaga oo ka yara faaganayay in ay weeraro ku qaadaan Tottenham.
Kooxda Tottenham ayaa daqiiqadii 27-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Harry Kane kaas oo rikoore gool u badalay.
Waxa ay ciyaartu ugu dambayn ku dhamaatay 1-0 ay Tottenham ku garaacday kooxda Chelsea iyaga oo hal lug la galay Finalka Carabao cup-ka sugina doona lugta 2-aad ee ay aadi doonaan garoonka Stamford Bridge.

Image result for harry   Harry Kane goal  capital one  chelsea

Image result for tottenham vs  chelsea

Image result for tottenham vs  chelsea

Image result for tottenham vs  chelsea