In UCL Uu U Dhaxeeyo Real-City, Mustaqbalka Zidane & Alonso Uu Ka Hadlay In 5 Sano Oo Xabsi Uu Galayo

Ciyaaryahankii hore ee kooxda kubada cagta Real Madrid, ee Xabi Alonso, ayaa wuxuu ka hadlay saddex mowduuc oo waa weyn kuwaasoo xasaasi ah, islamarkaana labo kamid ah si weyn u taabanayaa boqorada Spain ee Real Madrid.

Mawduuca koowaad ayaa wuxuu yahay tartanka Champions League, isagoona carabka ku dhuftay in Los Blancos ay tahay kooxda ugu cadcad inay ku guuleysato koobkaan, inkastoo uu Man City ku tilmaamay mida kaliya ee halista gelin karta kooxdiisii hore.

“Waxay yihiin kuwa ugu cad-cad wax walba, maxaa yeelay waxay wax badan ka yaqaanaa Champions League – Aad iyo aad ayaan ugu farax-sanahay inay iska haystaan Champions League – City ayaa ah midka kaliya ee cadaadin karta Real,” ayuu saxaafada usheegay.

“Man City waa kooxda labaad ee ugu cad cad, waana midka ugu weyn, marka laga yimaado Real Madrid, maxaa yeelay City wali kuma aysan guuleysan Champions League,” ayuu hadalkiisa kusii daray, xidigii hore ee Liverpool.

Sheekada labaad ee uu ka hadlay Alonso ayaa waxay tahay mustaqbalka Zidane iyo in la ceyrin karo ninkaan reer France, laakiin wuxuu aaminsan in xitaa hadii aysan qaadin Real Madrid Champions League uu sii joogayo

“Zidane wuxuu bartay wada saxda ah ee uu ku hagi karo mustaqbalkiisa, kadib markii uu ku guuleystay wixii uu horey ugu soo guuleystay, sidaas darteeda uma malaynayo inay dhici doonto in la ceyriyo,” ayuu sii daba dhigay.

Gaba gabadii, Alonso ayaa wuxuu ka waramay waxa ka jiray wararka sheegaya in xeer-illaalinta Spain ay isaga uqalqaalineyso in la xiro Shan sano, laakiin isaga ma ahan mid aad uga walwalsan inay dhacaan waxyaabahaas oo kale

“Waxaan ahay mid aad u degan, maxaa yeelay waxaan ogahay wixii iga dhacay inay fiican yihiin, aniga waxba ma aanan qarin, wax walba oo ay cad yihiin, maxaa yeelay wax walba waxay udhaceen si wanaagsan,” ayuu hadalkiisa kusii xiray.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com